🟠Sida loo dalbado iyo sida loo isticmalo Cold Wallet Ledger Nano X

Waa maxay Cold Wallet?

Cold wallet waa nooc ka mid ah digital wallets-ka ee lacagaha cryptocurrency-da lagu kaydiyo oo aan internet-ka ku xirneyn. Tani waxay ka dhigeysaa mid aad u aamin badan marka loo eego hot wallets-ka oo internetka ku xiran. Cold wallet-yada waxaa lagu kaydiyaa physical devices sida USB flash drives, taas oo ka dhigeysa mid aad u adag in la jabsado.

  • Ledger Nano X

    • Sharaxaad: Waa cold wallet aad u ammaan badan oo leh Bluetooth, taasoo kuu ogolaaneysa inaad ku isticmaasho mobilkaaga. Waxay taageertaa cryptocurrencies badan.

    • Astaamaha: Bluetooth, ammaan sare, isticmaalkiisu fudud yahay, taageero balaadhan oo cryptocurrencies ah.

  • Trezor Model T

    • Sharaxaad: Waa cold wallet leh shaashad taabasho, taasoo ka dhigeysa mid si sahlan loo isticmaali karo. Waxay bixisaa sifooyin horumarsan oo ammaan ah.

    • Astaamaha: Shaashad taabasho, taageero weyn oo cryptocurrencies ah, sifooyin ammaan oo horumarsan.

Tusaale waxaan dalbanaynaa mid kamid ah Cold wallets-ka

Sida loo dalbado Ledger Nano X

  • Booqo Website-ka Rasmi ah ee Ledger: Tag halka saxda ee Ledger Nano X laga iibsada Ledger Nano X.

  • Add to Cart: dooro "Add to Cart."

  • Proceed to Checkout: Raac tilmaamaha si aad u geliso faahfaahintaada rarida iyo macluumaadka lacag bixinta.

  • Review and Confirm: Dib u fiiri faahfaahinta dalabkaaga oo xaqiiji iibka.

  • Receive Confirmation: Ka dib markaad dhammayso lacag bixinta, waxaad heli doontaa Email-ka xaqiijinta dalabka

Setting Up the Ledger Nano X

1. Connect the Wallet:

  • Ku xidh Ledger Nano X kombuyuutarkaaga adoo isticmaalaya fiilada USB ee la bixiyay.

2. Download Ledger Live:

  • Booqo website-ka Ledger oo soo deji software-ka Ledger Live.

3. Set Up the Wallet:

  • Ku xidh wallet-kaga Ledger Live oo raac tilmaamaha setup-ka.

  • Dooro in aad samaysato wallet cusub ama aad soo celiso mid hore u jiray

4. Set Up PIN Code:

  • Sameyso PIN code-kaaga oo noqon doona amniga koowaad ee wallet-kaaga.

5. Save the Seed Phrase:

  • Seed Phrase-kaga oo ka kooban 24-erey si ammaan ah u kaydi. Ha ku kaydin internet-ka

6. Complete the Setup:

  • Dhamee talaabooyinka setup-ka ee Ledger Live oo bilow isticmaalka wallet-kaga.

Si aad sifiican ufahanto qaab ka Unbox & Setup loosameyo daawo muuqaladan hoose:

Last updated

Was this helpful?