πŸ‡ΈπŸ‡΄
Somali Finance Club
  • Overview
    • πŸ‘‹Welcome
    • πŸ‘¨β€πŸ«Hagaha bilawga cryptocurrency
    • πŸ’°Taariikhda Lacagta
    • 🌎Waa maxay Web3?
    • Tiknoolojiyadda Blockchain
    • πŸͺ™Aasaaska Cryptocurrency
    • πŸ“™Cryptocurrency terminologies
    • 🟠Waa maxay DEX iyo CEX?
    • 🟣Waa maxay Wallet iyo Exhange?
    • πŸ”·Waa maxay farqiga udhaxeeyo Coin iyo Token?
    • 🟑Waa maxay farqiga u dhexeeya Layer 0, Layer 1, iyo Layer 2
    • πŸ”ΆWaa maxay Smart contracts iyo DApps?
    • πŸ“ˆWaa maxay Investment and Trading
    • πŸ“šBooks Afsomali
    • πŸ’‘Tools-ka iyo Apps-ka ee Cryptocurrency-ga oo ku anfacayo
  • Centralized (CEX)
    • 🟦Sida loo sameysto Exchange
    • πŸ”Sida loo radiyo coin fiican
    • β˜ͺ️Sida loo baaro Coin-ka Xalaasha ama Xaranta ah
    • πŸ“ΆBasic Tecnical Analysis
    • πŸ“ŠTechnical Analysis
    • πŸ“‰Sida loo isticmaalo DCA
    • 🟠Sida loo dalbado iyo sida loo isticmalo Cold Wallet Ledger Nano X
  • Decentralized (DEX)
    • πŸ‘»Sida loo sameysto Phantom wallet
    • 🦊Sida loo sameysto Metamask Wallet
    • πŸ’»Sida loo trade-gareeyo Memcoins
    • πŸ”ΆSida loo isticmaalo Phaton Bot
Powered by GitBook
On this page

Was this helpful?

  1. Overview

Cryptocurrency terminologies

Cryptocurrency terminologies marka hore waxa ay u ekaan karaan kuwo adag, laakiin waxa ay noqdaan kuwa sahlan in la fahmo iyada oo la adeegsanayo sharraxaad.

Waa kuwan qaar ka mid ah ereyada caadiga:

  • Bullish: Waa marka suuqa uu kor jiro.

  • Bearish: Waa marka suuqa hoos jiro.

  • DYOR (Do Your Own Research): Waxay ku dhiirigelisaa shakhsiyaadka inay baaraan oo fahmaan cryptocurrency ka hor intaanay maalgelin, Waa samee cilmi baaristaada kuu gaarka aha macnaha guud.

  • WhitePaper: waa dukumeenti qeexaya waxa loo abuuray coin-ka ama project-ga (cryptocurrency) sida uuvushaqeeyo iyo mustaqbalka uu leyahay iyo waxyabo lamid ah.

  • Shitcoins: tani waa erey loo isticmaalo in lagu qeexo coins-ka cryptocurrency oo aan bixin wax faa'iido ama qiimo badan.

  • 1x, 5x, 100x: Saan kugu sharxo: Tusaale waxaad $100 ku iibsate coin kabacdi waxaad faaide $500 markas waxay kadhigan tahay 5x ama 5 laab lacagtada ayaa sameyse ama faaide.

  • Dip: Waa markuu hos udhaca cryptocurrency qiimaha uu ahaa qima ka hooseya.

  • Buy the Dip: Waa Istaraatiijiyada iibsashada cryptocurrency marka qiimihiisu hoos u dhaco iyadoo la rajeynayo faa'iidooyinka mustaqbalka.

  • Sell High: Waa Istaraatiijiyada iibinta cryptocurrency marka qiimihiisu joogo meesha ugu sarreysa si loo kordhiyo faa'iidada.

  • DCA (Dollar-Cost Averaging): Inaad si joogto ah u soo iibsato lacag yar oo cryptocurrency ah, iyadoon loo eegin qiimaha suuqa, si aad u celcelisiso qiimaha iibsiga.

  • Tokenomics: Waa dhaqaalaha cryptocurrencies, oo ay ku jiraan arrimo ay ka mid yihiin qaybinta token-ka, supply-ga, demand, iyo utility.

  • FOMO (Fear of Missing Out): Waa dareen walaac ama niyad jab ku saabsan seegidda fursadaha faa'iidada leh.

  • FUD (Fear, Uncertainty, Doubt): Waa dareen xun ama macluumaad khaldan oo saameyn kara qiimaha cryptocurrency.

  • ATH (All-Time High): Waa qiimaha ugu sareeya markuu joogo cryptocurrency.

  • Whale: Nibiriga loo yaqaan 'crypto whale' waa shakhsi qani ah ama shirkad maamusha xaddi badan oo cryptocurrency hal mar. Tani waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa suuqa.

  • HODL(Buy and Hold): Inaad iibsato oo aad haysato lacagaha muddo dheer, iyada oo aan loo eegin isbeddelada suuqa ee gaaban.

  • Market Cap: Waa qiimaha cryptocurrency, oo lagu xisaabiyo in lagu dhufto qiimaha shilinkiiba wadarta sahayda(Total supply).

  • Mining: Waa habka ansaxinta iyo duubista macaamil ganacsi ee shabakada blockchain, oo inta badan la xidhiidha helitaanka qadaadiicda cusub(New Coin) oo abaal marin ahaan loohelayo

PreviousAasaaska CryptocurrencyNextWaa maxay DEX iyo CEX?

Last updated 11 months ago

Was this helpful?

πŸ“™