Sida loo sameysto Metamask Wallet
Last updated
Last updated
Waa Maxay MetaMask?
MetaMask waa boorso (wallet) loo adeegsado kaydinta, dirista, iyo helitaanka cryptocurrency. Waxaa loo adeegsadaa in lagu galo DApps (decentralized applications) oo ku jira blockchain-ka Ethereum iyo kuwa kale ee la mid ah. Waa extension browser ah ama app mobile ah oo fududeeya isticmaalka iyo maaraynta cryptocurrency adigoon u baahnayn inaad soo degsato software gaar ah.
1. Soo Degso MetaMask:
Desktop (Browser Extension):
Tag .
Dooro browser-ka aad isticmaalayso (Google Chrome, Firefox, Edge, Brave).
Riix badhanka "Install MetaMask for Chrome" (ama browser-ka aad isticmaashayso).
Ku dar MetaMask sida extension.
Mobile (App):
Tag App Store (iOS) ama Google Play Store (Android).
Raadi "MetaMask" oo soo deji app-ka.
Si faahfaahsan daawo muqalkan hoose:
Talooyin Muhiim ah:
Waligaa ha la wadaagin Seed Phrase-kaaga ama furaha sirta ah cid kale.
Isticmaal xeerar sir ah oo adag oo aan loo sahlayn in la qiyaano.
Haddii aad la kulanto wax dhibaato ah ama su'aalo qabto, booqo MetaMask Support si aad u hesho taageero dheeraad ah.
MetaMask waa aalad muhiim ah oo fududeysa isticmaalka blockchain-ka iyo cryptocurrency, gaar ahaan kuwa bilowga ah. Waxay ku siineysaa awood aad ku maareyn karto dhaqaalahaaga dhijitaalka ah si fudud oo amaan ah.