πŸ‡ΈπŸ‡΄
Somali Finance Club
  • Overview
    • πŸ‘‹Welcome
    • πŸ‘¨β€πŸ«Hagaha bilawga cryptocurrency
    • πŸ’°Taariikhda Lacagta
    • 🌎Waa maxay Web3?
    • Tiknoolojiyadda Blockchain
    • πŸͺ™Aasaaska Cryptocurrency
    • πŸ“™Cryptocurrency terminologies
    • 🟠Waa maxay DEX iyo CEX?
    • 🟣Waa maxay Wallet iyo Exhange?
    • πŸ”·Waa maxay farqiga udhaxeeyo Coin iyo Token?
    • 🟑Waa maxay farqiga u dhexeeya Layer 0, Layer 1, iyo Layer 2
    • πŸ”ΆWaa maxay Smart contracts iyo DApps?
    • πŸ“ˆWaa maxay Investment and Trading
    • πŸ“šBooks Afsomali
    • πŸ’‘Tools-ka iyo Apps-ka ee Cryptocurrency-ga oo ku anfacayo
  • Centralized (CEX)
    • 🟦Sida loo sameysto Exchange
    • πŸ”Sida loo radiyo coin fiican
    • β˜ͺ️Sida loo baaro Coin-ka Xalaasha ama Xaranta ah
    • πŸ“ΆBasic Tecnical Analysis
    • πŸ“ŠTechnical Analysis
    • πŸ“‰Sida loo isticmaalo DCA
    • 🟠Sida loo dalbado iyo sida loo isticmalo Cold Wallet Ledger Nano X
  • Decentralized (DEX)
    • πŸ‘»Sida loo sameysto Phantom wallet
    • 🦊Sida loo sameysto Metamask Wallet
    • πŸ’»Sida loo trade-gareeyo Memcoins
    • πŸ”ΆSida loo isticmaalo Phaton Bot
Powered by GitBook
On this page
  • Waa maxay Cryptocurrency?
  • Waa maxay Bitcoin?
  • Waa maxay Altcoins?
  • Waa maxay Memecoins?
  • Waa Maxay Blockchain?

Was this helpful?

  1. Overview

Aasaaska Cryptocurrency

PreviousTiknoolojiyadda BlockchainNextCryptocurrency terminologies

Last updated 6 months ago

Was this helpful?

Waa maxay Cryptocurrency?

Waa lacag dijitaal ah oo ku saleysan tiknoolajiyada blockchain si loo xaqiijiyo amniga iyo raadraaca macaamilada ama wax kala iibsiga(Transactions).

Waa maxay Bitcoin?

Waa cryptocurrency ugu horreeyay ee la sameeyay, waxaana la sameeyay 2009, waxaana sameeyay Satoshi Nakamoto,

Waa maxay Altcoins?

Waa cryptocurrencies kale oo soo baxay kadib Bitcoin, sida Ethereum, Ripple (XRP), Litecoin, iyo kuwa kale.

Waa maxay Memecoins?

Memecoins waa nooc ka mid ah cryptocurrencies-ka oo ku saleysan memes ama dhacdooyinka madadaalada ee caanka ah ee internet-ka. Waxay inta badan leeyihiin magacyo iyo astaamo soo jiidasho leh oo kaftan ah. Tusaale fiican oo memecoin ah waa Dogecoin, oo markii hore lagu sameeyay kaftan ahaan balse hadda leh qiime weyn oo suuqa dhexdiisa ah.

Waa Maxay Blockchain?

Blockchain waa teknolojiyad daabacda xogta iyadoo loo marayo silsilad xariir ah oo blocks ah. Xogta kasta oo ku jirta block kasta waa la kaydiyaa, la xaqiijiyaa, waxaana la dhisaa iyadoo la raacayo xeerar gaar ah.

Blockchain sifooyin ka uu leyahay iyo sida uu ushaqeyo:

Blockchain wuxuu leeyahay sifooyin gaar ah sida:

  • Is-dhexgal la'aan: Ma jirto hal qof ama hay'ad kaliya oo maamula xogta, taasoo ka dhigaysa mid ku salaysan wadaagga iyo kalsooni la’aanta.

  • Transparency: Macluumaadka ku jira blockchain waa la arki karaa oo la xaqiijin karaa qof kasta oo ku xiran shabakadda.

  • Security: Mar haddii xog la geliyo block, way adag tahay in la beddelo ama la tirtiro sababtoo ah block kasta waa la xidhiidhsan yahay oo xiriir la leh block-yada kale.

  • Decentralization: Blockchain ma aha mid ku salaysan hal meel, laakiin wuxuu ku baahsan yahay kombiyuutarada badan ee shabakadda ku jira (nodes).

Blockchain sida uu ushaqeeyo:

Marka la abuuro macluumaad cusub ama wax kala iibsi cusub(transactons), waxaa la gelinayaa block cusub. Block kasta waxaa ku jira:

  • Macluumaadka (transaction): Waxay noqon kartaa wax kasta, tusaale ahaan, macaamilka lacagta, xogta qaaska ah, iwm.

  • Hash: Waa lambar gaar ah oo loo yaqaan hash oo lagu tilmaamo block-ga.

  • Hash-ka Block-kii Hore: waa si loo xaqiijiyo xiriirka iyo isku xidhnaanta block-yada.

πŸͺ™